Sabti, May 23, 2026 (Baidoa Online) -Jen. Abdi Hassan Awale Qeybdiid oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan hadda lahayn madaxweyne sharci ah, isagoo ku dooday in waqtigii xilka uu ka dhammaaday Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Qeybdiid oo wareysi siiyay Shabelle Media Network ayaa si kulul uga hadlay weerar dhawaan lagu qaaday xubno mucaarad ah, isagoo sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid sharci darro ah isla markaana dowladda lagu eedeeyay inay adeegsatay awood ciidan.

“Soomaaliya hadda madaxweyne ma leh. Xasan Sheekh masuul kama aha dalka, sharci darro ayaa nala kusoo weeraray maalintii dhaweyd. Ha keeno bisha 4-teeda ciidankii markaas loo baahan yahay. Shalay awood buu lahaa, maanta ma hayo,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Hadalka Jen. Qeybdiid ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Muqdisho, iyadoo mucaaradka ay wadaan abaabulo la xiriira dibadbaxyo la qorsheynayo inay dhacaan 4-ta June.

Mucaaradka ayaa dowladda federaalka ku eedeynaya caburin siyaasadeed iyo adeegsiga ciidamada ammaanka si loo wiiqo dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah dowladda, halka dowladda ay dhankeeda ku adkeysaneyso inay weli sii shaqeynayaan hay’adaha dowladda iyo nidaamka dastuuriga ah.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii ay soo baxeen doodaha la xiriira muddo xileedka madaxtooyada iyo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.