Talaado , May 19, 2026 (Baidoa Online) -Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, abdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu “shan maalmood si sharci darro ah ugu joogo Villa Somalia”, islamarkaana dowladda aysan oggolayn bannaanbaxyo nabadeed oo ay mucaaradku qabanayaan.

Abdiraxmaan Abdishakuur ayaa hadalkan ka sheegay kulan siyaasadeed oo ay yeesheen xubno mucaarad ah, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqayo inay ka qeyb galaan bannaanbax nabadeed oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 4-ta June.

“Xasan Sheekh shan maalmood ayuu si sharci darro ah ugu jiraa Villa Somalia. 4-ta June waxaan usoo baxaynaa bannaanbax nabadeed, balse Xasan Sheekh ma oggola bannaanbax nabadeed,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoggaamiyaha Wadajir ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku tuntay xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka shacabka. Wuxuu sheegay in bannaanbaxa la qorsheeyay uu yahay mid si nabad ah lagu muujinayo aragtida mucaaradka ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay ciidamada ammaanka inay ilaaliyaan shacabka bannaanbaxa dhigaya, isla markaana aysan ku milmin arrimaha siyaasadda.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin hadallada kasoo yeeray mucaaradka iyo eedeymaha la xiriira xannibaadda bannaanbaxyada.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka jiray dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay yeelanayeen siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo si weyn uga hadlay arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo mustaqbalka hoggaanka dalka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed ay sii kordhayso, iyadoo la filayo in toddobaadyada soo socda ay magaalada Muqdisho ka dhacaan kulamo iyo isu soo baxyo siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara jawiga guud ee dalka.