Isniin , Juun 8, 2026 (Baidoa Online) -Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, isla markaana ah milkiilaha Hotel Elite ee magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda inay weerar ku qaadeen hoteelkiisa, isaga oo sheegay in goobta la bililiqeystay isla markaana la daad-gureeyay agab kala duwan.
Cabdullaahi Maxamed Nuur oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu siyaasiyan kala tegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in xaaladda dalka aan xal loogu heli karin xoog iyo hub.
“Ciidan amar qaldan la siiyay ayaa weeraray hoteelkayga xilli ay ku sugnaayeen shaqaale Soomaaliyeed iyo ajaanib ah. Hoteelka waa la bililiqeystay, waxaana halkaas laga daad-gureeyay agab kala duwan,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Wasiirkii hore ee Amniga ayaa si cad u beeniyay in hubkii la soo bandhigay uu isaga leeyahay, isagoo ku dooday in hoteelkiisu aanu qayb ka ahayn wax dhaqdhaqaaq ciidan ama dagaal ah.
Dhanka kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qirtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone-yada) ee laga soo saaray Hotel Elite ay isaga leeyihiin, balse wuxuu sheegay inay ahaayeen kuwo sawirro qaada oo sharciyeysan, islamarkaana uu u haystay ruqsad rasmi ah oo ay bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Xalka Soomaaliya in xoog iyo xabad lagu raadiyo marna ma noqonayo wax ay ummadda Soomaaliyeed ku qanci karto,” ayuu yiri.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Hotel Elite uu sii xirnaan doono ilaa dalka uu ka dhaco isbeddel siyaasadeed iyo mid hoggaamineed, isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid isaga u gaar ah oo uu qaatay kadib dhacdooyinkii ka dhacay hoteelka.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay weli taagan yihiin muranno iyo aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan hub lagu soo bandhigay gudaha Hotel Elite, kaas oo Cabdullaahi Maxamed Nuur uu mar kale ku celiyay inuusan wax xiriir ah la lahayn.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo la xiriira amniga, dastuurka, doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.












