MUQDISHO, Soomaaliya — 10 Luulyo 2026 — Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku baaqay in si dhaqso leh loo hawlgeliyo Sanduuqa Nabadda Afrika, isla markaana dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay kordhiyaan taageerada dhaqaale ee ay bixiyaan si loo sii wado maalgelinta hawlgallada amniga ee qaaradda, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Baaqan ayaa yimid kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu joojin doono taageerada saadka ee uu siiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya dhammaadka sannadka 2026, taas oo dhalisay walaac ku saabsan mustaqbalka maalgelinta howlgalka amniga ee dalka.
Wararkii Ugu Dambeeyay
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Sanduuqa Nabadda Afrika uu u baahan yahay in si buuxda loo hawlgeliyo si uu ugaalin uga qaato maalgelinta howlgalada nabadda iyo amniga ee qaaradda.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku booriyay dalalka xubnaha ka ah ururka inay kordhiyaan wax ku biirinta maaliyadeed si loo yareeyo ku tiirsanaanta taageerada dibadda.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah ay wadaan wada-hadallo ku saabsan sidii loo heli lahaa hannaan dhaqaale oo joogto ah oo lagu taageero amniga Soomaaliya.
Mareykanka ayaa ka mid ahaa dalalka waaweyn ee taageera howlgalada amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, tababarrada iyo taageerada hawlgallada.
Mustaqbalka Hawlgalka Amniga Soomaaliya
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa door weyn ka qaatay taageerada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga tan iyo markii la aas aasay sanadkii 2007.
Howlgalka ayaa ka qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo taageeridda dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya.
Si kastaba, howlgalka ayaa muddo wajahayay caqabado la xiriira maalgelinta, qalabka iyo awoodda hawlgallada, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad ay mas’uuliyadda amniga si tartiib ah ugu wareejineyso ciidamada gudaha.
Wada-hadallada hadda socda ayaa diiradda saaraya sidii loo heli lahaa dhaqaale la isku halayn karo oo lagu sii wadi karo howlaha amniga inta ciidamada Soomaaliya ay qaadanayaan masuuliyad dheeraad ah.
Asalka Sanduuqa Nabadda Afrika
Sanduuqa Nabadda Afrika waxaa loo sameeyay in Midowga Afrika uu helo awood dhaqaale oo uu ku taageero howlgalada nabadda iyo amniga ee qaaradda.
Hase yeeshee, dhaqan gelinta buuxda iyo helitaanka dhaqaale joogto ah ayaa ahaa caqabad soo wajahday ururka, iyadoo dalal badan oo Afrika ah ay weli ku tiirsan yihiin taageero caalami ah.
Midowga Afrika ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku celceliyay baahida loo qabo in Afrika ay yeelato hannaan dhaqaale oo u gaar ah oo lagu maalgeliyo howlgalada nabadda.
Xaaladda Siyaasadeed iyo Amni
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo waday qorshe amni oo lagu xoojinayo ciidamada qaranka si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli awood u leh inay fuliso weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda, saraakiisha iyo shacabka, taas oo ka dhigaysa taageerada caalamiga ah mid muhiim u ah howlgalada amniga.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa horey u sheegay in taageerada saaxiibada caalamiga ah ay muhiim u tahay inta dalka uu dhisayo awooddiisa amni.
Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu sii wado wada-hadallada uu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah iyo saaxiibada caalamiga ah si loo helo dhaqaale lagu sii wado howlgalada amniga Soomaaliya.
Arrinta maalgelinta ayaa noqon doonta mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee saameynaya marxaladda kala guurka amniga Soomaaliya, gaar ahaan marka ciidamada Soomaaliya ay qaadanayaan masuuliyad dheeraad ah.
Falanqeyn: Sababta Ay Arrintani Muhiim U Tahay
Doodda ku saabsan maalgelinta howlgalka Soomaaliya waxay muujinaysaa caqabadda weyn ee ka jirta howlgalada nabadda Afrika, taas oo ah in la helo isku dheelitirnaan u dhexeysa hoggaan Afrikaan ah iyo dhaqaale joogto ah.
Haddii taageerada dibadda ay yaraato, waxaa saameyn ku yeelan kara qorsheynta hawlgallada, saadka ciidamada iyo awoodda lagu sii wadi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dadaalka Midowga Afrika ee lagu hawlgelinayo Sanduuqa Nabadda Afrika wuxuu muujinayaa isku day lagu doonayo in qaaraddu yeelato awood dhaqaale oo madax-bannaan.
