Axad, May 17, 2026 (Baidoa Online) -Waxaa maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoyska Zoobe, xarunta CID-da iyo waddada Cabdullaahi C/qaasim, halkaas oo lagu arkay ciidamo aad u tiro badan oo hubeysan.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in waddooyinkaasi la soo dhoobay ciidamo kala duwan oo isugu jira Ciidanka Waran, NISA, Booliis Militeri iyo cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda. Ciidamada ayaa watay gawaari ciidan iyo qalab amni oo fara badan, iyadoo ay sidoo kale wadeen baaritaanno lagu sameynayay shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.
Adkeynta ammaanka ayaa dhalisay hadal-heyn iyo walaac ay muujiyeen qaar kamid ah shacabka Muqdisho, kuwaas oo sheegay in aan caadi looga baran ciidamo intaas le’eg oo hal mar lagu daadiyo gudaha magaalada, iyagoo isweydiinaya sababta ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyadaasi.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka dowladda oo lagu faahfaahinayo sababta keentay ciidamadan badan iyo haddii ay jirto xaalad amni oo gaar ah, digniin la xiriirta Al-Shabaab, ama cabsi laga qabo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa mucaarad.
Magaalada Muqdisho ayaa marar badan la kulantay adkeyn amni oo la xiriirta digniino amni, weerarro laga cabsi qabo, ama munaasabado siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore u sheegtay inay sii xoojin doonto tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka caasimadda.
Dhanka kale, shacabka ku nool goobaha ay ciidamadaasi ku sugan yihiin ayaa sheegay in baaritaannada iyo xirnaanshaha waddooyinka qaarkood ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.
