Jimco, May 22, 2026 (Baidoa Online) -Bannaanbaxyo ay dhigayaan dad careysan ayaa maanta ka socda qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dibadbaxayaasha ay ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyin iyo xaafado kamid ah caasimadda, halkaas oo ay ka wateen boorar iyo halku-dhigyo ay ku muujinayeen cabashooyin siyaasadeed iyo walaac la xiriira xaaladda amni, maamulka dalka, iyo arrimo kale oo ay sheegeen inay saameyn ku yeesheen shacabka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mudaharaadayaasha ay si weyn ugu dhawaaqayeen “Xasan Doonimeyno,” iyadoo jawiga goobaha dibadbaxa uu ahaa mid kacsan, balse ilaa hadda aan lasoo sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay mudaharaadka.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayay goobaha ay dibadbaxyadu ka dhacayeen, kuwaas oo bilaabay inay adkeeyaan amniga si looga hortago rabshado iyo falal amni darro oo ka dhasha mudaharaadka.

Dibadbaxyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo doodaha la xiriira hoggaanka dowladda, arrimaha amniga, iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in xaaladda Muqdisho ay muujinayso cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, xilli mucaaradka iyo dowladda ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo la xiriira maamulka iyo doorashooyinka dalka.

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin mudaharaadyada maanta ka socda Muqdisho iyo cabashooyinka ay muujinayaan bannaanbaxayaasha.