Talaado, Juun 16, 2026 (Baidoa Online) -Kulan siyaasadeed oo habeenkii Talaadada ka socday magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa la carqaladeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka soo horjeeda siyaasiga Libaan Shuluq ay soo galeen agagaarka goobta uu kulanku ka socday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay taageerayaasha Libaan Shuluq, oo ah siyaasi si weyn loogu yaqaan inuu xiriir dhow la leeyahay hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu tiriyo shaqsiyaadka damaca siyaasadeed ka leh hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo diidan musharraxnimooyinka la xiriira Libaan Shuluq ay isugu tageen hotelka martigelinayay munaasabadda, taasoo sababtay cabsi iyo jahawareer soo wajahay dadkii ka qeybgalayay kulanka.
Ka qeybgalayaashii munaasabadda ayaa la sheegay inay si degdeg ah uga baxeen goobta kadib markii xaaladdu kacsanaatay, waxaana halkaas ku soo afjarmay kulankii qorsheysnaa.
Ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare naf ama hanti ah iyo cid loo xiray dhacdada. Sidoo kale, maamulka deegaanka ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdada waqtiga warbixintan la qorayay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo loollanka awoodda ee u dhexeeya kooxaha kala duwan ee doonaya saameyn siyaasadeed ka hor doorashada hoggaanka Galmudug ee soo socota.
