Khamiis, Juun 11, 2026 (Baidoa Online) -Taliyaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo, Gaashaanle Musdhaf Maxamed Qoomaal, iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen warar sheegaya in ciidamo kala duwan ay ka goosanayeen dhinacyo ay hore uga tirsanaayeen, kuna biirayeen xoogagga taageersan Laftagareen ee ku sugan duleedka Baydhabo.
Horumarkan cusub ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo maamulo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda iyo maamulka gobolka. Hal dhinac ayaa ka howlgala gudaha Baydhabo isagoo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka dhinaca kale ee taageersan Laftagareen uu saldhigyo ku leeyahay duleedka magaalada kaddib iska horimaadyo iyo ismariwaa siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in tallaabadan ay muujinayso kala qaybsanaanta sii xoogeysanaysa ee ka jirta Koonfur Galbeed, isla markaana ay xoojinayso tartanka u dhexeeya dhinacyada isku haya sharciyadda iyo gacan ku haynta maamulka gobolka.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in isbeddelladan ay horseedi karaan xiisado amni iyo kuwo siyaasadeed oo hor leh.
