Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Baidoa waxaa caawa laga soo sheegayaa xaalad amni oo kacsan, kadib markii ciidamo dowladeed oo aad u hubeysan la soo dhoobay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo la wareegay fariisimo istiraatiiji ah oo ay ku jiraan goobo sare oo dhismayaal ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamadan uu sababay cabsi iyo walaac xooggan oo soo food saaray shacabka, iyadoo la arkayo ciidamada oo si nidaamsan ugu kala jira qeybo kala duwan oo magaalada ah, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xaafadaha Baidoa.
Wararka qaar oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyadan ay la xiriiraan xaalado amni oo laga cabsi qabo, oo ay ku jiraan warar sheegaya qorsheyaal ciidan oo la xiriira kooxo ku dhow Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Si kastaba ha ahaatee, ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo arrintan ku saabsan.
Maamulka iyo saraakiisha ammaanka weli kama aysan hadlin xaaladdan, halka xaaladdu ay weli tahay mid aad u kacsan oo isha lagu hayo.
