Sabti, May 30, 2026 (Baidoa Online) -Taliyaha Booliska Gobolka Bay, Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay “burcad iyo falaago hubaysan” ay isku dayeen in ay qalalaase amni ka abuuraan magaalada Baidoa, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah u soo afjareen xaaladda isla markaana ay magaalada dib u soo celiyeen xasillooni.
Isagoo la hadlayay warbaahinta dowladda, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda u xaqiijiyeen amniga magaalada kadib dagaalladii dhacay, hase yeeshee uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in ciidamo federaal ah la geeyay magaalada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida.
Warar kale oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in dagaallada ay sababeen khasaaro dhimasho oo gaareysa ku dhawaad 10 qof oo ka kala tirsan labada dhinac, inkastoo aan jirin war rasmi ah oo arrintaas ka soo baxay.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan lagu tilmaamay mid degan, balse waxaa weli laga dareemayaa joogitaan ciidan iyo xiisad amni oo sare u kacday.
