Sabti, 6 Juun (Baidoa Online) -Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay caawa duqeymo ka fuliyeen deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, kuwaas oo la rumeysan yahay inay fariisimo u ahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, duqeymaha ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaalla dhulka miyiga ah ee hoos yimaada Baydhabo. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymaha, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama maamulka Koonfur Galbeed.
Duqeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee la xiriira joogitaanka Al-Shabaab ee deegaannada ku hareeraysan Baydhabo.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay saldhigyo iyo dhaqdhaqaaqyo ka sameysatay deegaanno dhowr ah oo ku teedsan waddada Buurhakaba iyo Baydhabo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mooda-Moode, Karoroogi, Daynuunay, Dambalka, Gasarta iyo deegaanno u dhow Bay-Burjeed oo ku yaalla duleedka magaalada.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda ay ka muuqato jihooyin kala duwan oo ku dhow magaalada Baydhabo, arrintaas oo sare u qaaday walaaca ku saabsan xaaladda amni ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Baydhabo ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo muhiim u ah maamulka Koonfur Galbeed iyo howlaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegay inay maqleen jugta qaraxyo iyo duqeymo habeenkii, inkastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan bartilmaameedyada la duqeeyay iyo natiijada howlgalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan duqeymaha la soo wariyay iyo xaaladda amni ee ka jirta deegaannada ku xeeran Baydhabo.
