BUURHAKABA, Soomaaliya — 27 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, Cabdullaahi Shaleetey, ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkaasi ay maanta saddex duqeymood ka fuliyeen degmada Buurhakaba, kuwaas oo uu sheegay in lagu beegsaday xaafado ay dad rayid ahi deggan yihiin iyo kaabayaasha muhiimka ah ee degmada.

Guddoomiye Shaleetey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buurhakaba ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha uu sheegay inay fuliyeen diyaaradaha Turkiga, isaga oo ku tilmaamay falal wuxuushnimo ah oo halis gelinaya nolosha dadka rayidka ah.

Shaleetey ayaa sidoo kale ku eedeeyay diyaaradaha Turkiga inay maalin ka hor duqeeyeen iskuul ku yaalla gudaha magaalada Buurhakaba, isaga oo sheegay in weerarradaasi ay cabsi iyo walaac ku abuureen dadka deegaanka.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in diyaaradaha Turkiga ay beegsadeen buundo uu ku tilmaamay tan keliya ee isku xirta degmada Buurhakaba iyo magaalada Muqdisho, taas oo uu ka digay in waxyeello loo geysto ay saameyn weyn ku yeelan karto isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in duqeymaha uu Turkiga ku eedeynayo ay noqdeen kuwo soo noqnoqda oo ku dhowaad maalin kasta ka dhaca deegaannada Koonfur Galbeed.

“Annagu waxaan nahay Koonfur Galbeed. Ma garanayno sababta uu Turkigu noo beegsanayo,” ayuu yiri guddoomiye Shaleetey, isaga oo ku eedeeyay Ankara inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay taageero milatari siineyso Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu guddoomiyuhu ku dooday in muddo-xileedkiisa uu dhammaaday.

Shaleetey ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu dhinac ka noqday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, halkii uu ka taageeri lahaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa baaq degdeg ah u diray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta, isaga oo ka codsaday inay baaritaan ku sameeyaan duqeymaha uu sheegay inay diyaaradaha Turkiga ka fulinayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Shaleetey ayaa si adag u diiday in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed lala xiriiriyo ururka Al-Shabaab, isaga oo ku adkeystay inay yihiin ciidamo difaacaya deegaannadooda iyo maamulkooda.

“Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ma aha Al-Shabaab. Waxaan nahay halgamayaal u taagan xorriyadda iyo difaaca deegaannadeenna,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Hadalka guddoomiye Cabdullaahi Shaleetey ayaa imanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha ku saabsan duqeymaha diyaaradaha Turkiga, beegsiga xaafadaha shacabka, iskuulka iyo buundada si madax-bannaan looma xaqiijin.