Sabti, May 30, 2026 (Baidoa Online) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalladii culusaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo saaka hore, kadib markii ciidamada taageersan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay weerar ku qaadeen magaalada.

Weriyeyaasha ku sugan Baydhabo ayaa arkay ugu yaraan afar askari oo meydadkoodu yaallay waddooyinka magaalada, gaar ahaan goobihii ay dagaalladu sida weyn uga dhaceen. Ilaa hadda lama xaqiijin aqoonsiga iyo dhinacyada ay askartaasi ka tirsanaayeen.

Sida ay sheegayaan ilo amni oo gudaha ah, ugu yaraan 10 askari ayaa ku dhintay iska horimaadyadii maanta ka dhacay Baydhabo. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhimashadu ka dhalatay dagaallo xooggan oo qarxay kaddib markii ciidamada taageersan Laftagareen ay saaka hore gudaha u galeen qaybo ka mid ah magaalada.

Dagaallada ayaa ku fiday xaafado kala duwan, waxaana hakad galay isku socodkii gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga. Dad badan oo rayid ah ayaa guryahooda ku sugnaa cabsi la xiriirta rasaasta culus iyo xaaladda amni ee magaalada.

Inkasta oo ciidamada weerarka soo qaaday ay markii hore la wareegeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Baydhabo, wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya inay dib u gurasho ka sameeyeen qaar ka mid ah goobihii ay qabsadeen. Sababta rasmiga ah ee dib u gurashadaas weli lama oga.

Ma jiro war rasmi ah oo ay mas’uuliyiintu kasoo saareen tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawacyada, iyadoo ay adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo dhammaan xogaha la xiriira khasaaraha maadaama xaaladdu weli tahay mid kacsan.

Xaaladda amni ee Baydhabo ayaa weli ah mid aan degganayn, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo feejignaan sare. Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

Warkan waa mid soo kordhaya, waxaana suurtagal ah in tirada khasaaruhu is beddesho marka xog dheeraad ah la helo.