Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa tilmaamaya in khilaaf maamul uu ka dhex curtay Taliska Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya iyo Hoggaanka Interpol ee Soomaaliya, kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), uu shaqada ka joojiyay Taliyihii Hoggaanka Interpol Soomaaliya, Sarreeye Guuto Maxamed Cabdulle Dhoore.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, tallaabada shaqo-joojinta ayaa la xiriirta muran ka dhashay howlgal lagu raadinayay shaqsi la sheegay inuu baxsad ahaa, iyadoo la isku khilaafay habraaca iyo maamulka kiiskaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xafiiska Hoggaanka Interpol Soomaaliya la galay intii uu socday khilaafkan, waxaana la sheegay in halkaasi lagala baxay qaar kamid ah dukumiintiyada shaqada iyo qalab xafiiseed, oo ay ku jiraan kombiyuutarro. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro weli war rasmi ah oo xaqiijinaya faahfaahinta dhacdadaasi.

Ilaa iyo hadda, Taliska Booliska Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Federaalka Soomaaliya midkoodna si rasmi ah ugama hadlin wararka la xiriira shaqo-joojinta iyo eedeymaha la xiriira xafiiska Hoggaanka Interpol.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo ay isa soo tarayaan wararka la xiriira caqabado iyo khilaafaad ka dhex jira qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka.