Isniin , May 25, 2026 (Baidoa Online) -Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa ku hanjabay in waaran lagu soo qaban karo madax hore oo Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay abaabulka dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo loo arko mid sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho.
Hanjabaaddan ayaa timid kadib dibadbaxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka mudaharaadayay ay ku muujiyeen diidmadooda dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kale la sheegay in lagu gubay sawirrada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in “nin hoggaamiye ah uu galabta dhalinyaro ku soo aruurshay gurigiisa,” isagoo intaas ku daray in ciidamada ammaanka ay hayaan “magacyada maleeshiyaadka la socda mucaaradka.”
Taliyaha ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu tuhmo falal lagu tilmaamay kuwo halis ku ah amniga qaranka iyo kala dambeynta guud.
Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan, iyadoo ciidamada ammaanka ay kordhiyeen baraha koontaroolka iyo howlgallada laga sameynayo degmooyinka loo arko xarumaha mucaaradka.
Ilaa waqtiga warbixintan la qorayay, ma jirin wax jawaab ah oo kasoo baxay madaxdii hore ee dalka ee lagu eedeeyay arrimahan.
