Sabti, Juun 13, 2026 (Baidoa Online) -Xiisad xooggan ayaa ka taagan Tuulada Gershiine ee Degmada Marka, kaddib muran la xiriira dhul beereed ku yaalla duleedka deegaanka Buufow Bacaad oo isu beddelay iska hor imaad hubeysan.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay halkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in dhinacyadii dagaallamay ay weli isku horfadhiyaan goobta, taasoo sare u qaadaysa cabsi laga qabo in mar kale uu dagaal dib u qarxo haddii aan la helin dadaallo lagu dejinayo xaaladda.

Dadka deegaanka iyo waxgaradka ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo bilaabo waanwaan iyo xal nabadeed si looga hortago in xaaladdu sii xumaato. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ay soo saareen maamulka degmada ama hay’adaha amniga ee ku saabsan dhacdadan.


Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah la helo saacadaha soo socda.