Jimco, Juun 12, 2026 (Baidoa Online) -Taliyaha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, Gaashaanle Musdhaf Maxamed Qoomaal, ayaa si rasmi ah ugu biiray ciidamada ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee taageersan Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, sida uu ku sheegay muuqaal laga duubay duleedka magaalada.
Gaashaanle Qoomaal oo ay weheliyaan ciidamo uu hoggaaminayay ayaa ku dhawaaqay inay ku biireen ciidamada taageersan Laftagareen, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Muuqaalka uu baahiyay ayuu Taliyuhu ku weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu qalalaase siyaasadeed ka hurinayo deegaannada Koonfur Galbeed.
“Xasan Sheekh wixii uu deegaannadiisa ka xallin waayay ayuu noola yimid. Uma oggolaan doonno inuu sii joogo Koonfur Galbeed, waana ka xoreyn doonnaa,” ayuu yiri Gaashaanle Musdhaf Maxamed Qoomaal.
Wuxuu intaas ku daray:
“Dhulkaan waa dhulkeenna. Haddii uu dhibaato rabo, ha ka sameeyo deegaannadiisa, ee yaanu Koonfur Galbeed dhibaato la iman.”
Ku biirista Taliyaha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa loo arkaa dhacdo muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka, iyadoo ay weli jiraan loollan siyaasadeed iyo khilaafyo u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed.
Dhinac ayaa ka arrimiya gudaha magaalada Baydhabo isagoo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka dhinaca kale ee taageersan Laftagareen ay ciidamadoodu ku sugan yihiin duleedka magaalada, kaddib khilaafyo siyaasadeed iyo iska hor imaadyo hore u dhacay.



