Jimco, Juun 19, 2026 (Baidoa Online) -Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea uu marayo marxalad kacsan, isla markaana ay jiraan isfaham la’aan diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Sida uu sarkaalka sheegay, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Soomaaliya u sheegay in ay doorato midkood xiriir dhow oo ay la yeelato Itoobiya ama Eritrea, isagoo tilmaamay in aanay suuragal ahayn in Soomaaliya ay isla mar ahaantaana xiriir dhow la yeelato labada dal.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay mudnaan siisay wadahadallada ay la leedahay Itoobiya, gaar ahaan kuwa la xiriira heshiiskii Ankara, halka Masar ay ka mid tahay dalalka la sheegay inay ku baaqeen in khilaafaadka Soomaaliya iyo Eritrea aan si fagaare ah loo soo bandhigin.

Waxa kale oo uu sheegay in ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin Eritrea, balse aanay jirin xiriir rasmi ah ama wada-shaqayn diblomaasiyadeed oo hadda u dhaxaysa labada dal, isagoo tilmaamay in hakinta xiriirka ay ka timid dhinaca Eritrea.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa xusay in Eritrea ay hore u martiqaadday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen saaxiibo dhow marka loo eego hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaaliya.