Arbaco , May 20, 2026 (Baidoa Online) -Diyaarad xamuul oo ay leedahay Shirkadda MNG Airlines ayaa maanta ka degtay magaalada Muqdisho, iyadoo sida agabyo culus iyo qalab militari oo ka yimid dalka Turkiga, xilli ay sii kordhayaan wararka la xiriira taageerada amni iyo difaac ee Ankara siineyso Soomaaliya.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay Airbus A330-343(P2F), ayaa kasoo duushay magaalada Istanbul kahor inta aysan soo gaarin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Shirkadda MNG Airlines ayaa caan ku ah qaadista xamuulka culus iyo agabyada waaweyn.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradda ay waday qalab militari iyo agabyo saadka ciidamada ah, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca saxda ah ee agabka la keenay. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Ankara sare u qaadayso iskaashiga militari iyo taageerada hubka ee ay siiso Soomaaliya, iyadoo qeyb ka ah xiriirka istaraatiijiyadeed ee sii xoogeysanaya ee labada dal.

Shixnaddan cusub ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiriirka difaaca ee Muqdisho iyo Ankara, iyadoo Soomaaliya ay weli ku tiirsan tahay taageerada saaxiibada caalamiga ah si loo horumariyo awoodda ciidanka loogana hortago khataraha amni ee ka jira dalka.