Jimco, May 15, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burbureen wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka.

Dowladdu waxay sidoo kale xaqiijisay in dalka uu u socdo qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay burbureen wada hadalladii siyaasadeed.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.