Sabti, 6 Juun (Baidoa Online) -Milkiilaha Elite Hotel, Cabdullaahi Maxamuud Nuur, ayaa ku eedeeyay ciidamo hubeysan inay xoog ku galeen hotelkiisa oo ku yaalla Muqdisho, isla markaana si buuxda ula wareegeen xarunta, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid halis ku ah hantida iyo sumcadda goobta ganacsiga.
Qoraal uu soo saaray maanta ayuu Cabdullaahi sheegay in ciidamo aad u hubeysan ay hotelka galeen abaare 11:30-kii duhurnimo, iyagoo gudaha ku sugay shaqaalihii iyo ilaaladii joogtay hotelka, una sheegay inay wadaan baaritaan amni.
Si kastaba ha ahaatee, Cabdullaahi Maxamuud Nuur ayaa su'aal geliyay ujeeddada howlgalka, isaga oo sheegay in nooca hubka iyo ciidamada la geeyay hotelka ay muujinayaan in howlgalka uusan ahayn baaritaan caadi ah.
"Qaabka loo galay hotelka iyo hubka culus ee lala soo galay waxay dhalinayaan walaac weyn oo ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee howlgalka," ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka cabsi qabo in la waxyeelleeyo hantida hotelka ama lagu sameeyo falal lagu dhaawacayo sumcadda goobta ganacsiga. Cabdullaahi ayaa mas’uuliyadda wixii ka dhaca hotelka dusha ka saaray Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku andacooday in ciidamada howlgalka fuliyay ay ka amar qaateen dowladda federaalka.
Bilihii u dambeeyay, Cabdullaahi ayaa si muuqata loogu arkayay fagaarayaasha siyaasadda ee mucaaradka, isagoo taageero u muujiyay qaar ka mid ah mowqifyada mucaaradka ee la xiriira khilaafaadka dastuuriga ah iyo arrimaha doorashooyinka. Hadalladiisa ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo kooxaha mucaaradka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay eedeymaha uu jeediyay Cabdullaahi Maxamuud Nuur, mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay dhacdada uu ka hadlay.
