Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda Muqdisho ayaa sii xoogeysaneysa kadib markii la soo wariyay in dowladda federaalka ay ciidamo badan ku daabushay hareeraha xarumaha iyo guryaha qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire.

Sida ay sheegayaan ilo siyaasadeed iyo dad xog-ogaal u ah xaaladda, tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay qayb ka tahay dadaallo ay dowladda ku doonayso inay ku xakameyso dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee mucaaradka iyo isku day kasta oo horseedi kara isu-soo-baxyo ama banaanbaxyo laga abaabulo magaalada Muqdisho maalmaha soo socda.

Wararka laga helayo goobaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa tilmaamaya in la adkeeyay dhaq-dhaqaaqa amniga, iyadoo la arkay ciidamo dheeraad ah oo lagu daadiyay agagaarka xarumahaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in la xaddiday dhaqdhaqaaqa dadka galaya ama ka baxaya goobaha qaar, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo xaqiijinaya in tallaabooyinkaas ay yihiin xabsi guri ama go’doomin rasmi ah.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo muddooyinkii dambe kordhiyay kulamadooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed ee ka socda degmooyin kamid ah gobolka Banaadir.

Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay isku dayeyso inay caburiso dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee sharciga ah, halka dowladda ay ku doodayso in tallaabooyinka amni ay lagama maarmaan u yihiin ilaalinta nabadgelyada iyo ka hortagga falal keeni kara qalalaase amni.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo in xaaladdu u gudubto isku dhac amni haddii aan xal siyaasadeed loo helin xiisadda sii kordheysa. Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa ka digaya in tallaabo kasta oo horseedi karta iska horimaad hubeysan ay khatar ku tahay xasilloonida Muqdisho iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu doonayo inuu muujiyo awooddiisa siyaasadeed xilli uu wajahayo cadaadis isa soo taraya oo uga imaanaya mucaaradka. Dhanka kale, mucaaradku waxay aaminsan yihiin in tallaabo kasta oo xoog lagu wajahayo ay u noqon karto fursad siyaasadeed oo dheeraad ah.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan wararka la xiriira ciidamadan iyo ujeeddooyinka rasmiga ah ee ka dambeeya.