Khamiis, May 28, 2026 (Baidoa Online) -Xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ayaa sii xoogeysanaya bartamaha Soomaaliya, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka ay kusii siqayaan magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay kasoo dhaqaaqeen Xarardheere islamarkaana ay soo mareen deegaanka Mareergur.

Ilo amni oo kala duwan ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay ka fiirsaneyso tallaabooyin adag haddii uu xal waara kasoo bixi waayo khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”.

Muranka ugu weyn ayaa la xiriira hoggaanka siyaasadeed ee mustaqbalka Galmudug, iyadoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Villa Soomaaliya ay dooneyso inay saameyn ku yeelato hanaanka doorashada ee Dhuusamareeb iyada oo aan lala tashan maamulka hadda jira ee Galmudug.

Falanqeeyayaal aqoon u leh arrimaha Galmudug ayaa ka digaya in xaaladdu isu beddeli karto iska hor imaad hubeysan haddii aan xal siyaasadeed lagu gaarin wada-hadal.

Dadka deegaanka iyo masuuliyiinta qaar ayaa muujinaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo suuragalnimada xasillooni darro ka dhacda gobolka, iyadoo xaaladdu weli tahay mid kacsan oo isbeddeleysa.