Jimco, May 22, 2026 (Baidoa Online) -Ciidamada taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa sheegay inay habeenimadii xalay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay xerada Barwaaqo ee duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo sida ay sheegeen fariisin u ahayd maleeshiyaadka loo yaqaano Salbalaar 2 iyo kooxo hubeysan oo garab siinayay.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu gaarsiiyay kooxdaasi khasaaro culus, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 15 xubnood iyo dhaawaca tiro kale.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay si buuxda ula wareegeen xerada Barwaaqo kadib dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay, kaas oo lagu jebiyay maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanka.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay howlgalada amni ee lagu doonayo dib u xoreynta deegaanada iyo adkeynta amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Ilaa iyo hadda ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, mana jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca maleeshiyaadka lagu eedeeyay weerarka.
