Axad, Juun 7, 2026 (Baidoa Online) —Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, haatana ka tirsan mucaaradka, ayaa digniin culus ka soo saaray qorshe la sheegay in Dowladda Federaalka ay ka waddo doorashooyinka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed (KGS), gaar ahaan hirgelinta nidaamka “Qof iyo Cod”.
Qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu siyaasigan ku sheegay in nidaamka doorasho ee la qorsheynayo uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka, isla markaana aan lagu helin heshiis siyaasadeed oo ballaaran, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay xasilloonida gobolka.
Wuxuu ku eedeeyay in nidaamkan laga soo abaabulayo Muqdisho, isla markaana si gaar ah loogu tijaabinayo Koonfur Galbeed, iyadoo loo adeegsanayo magaca hay’adaha dowladda Federaalka.
Siyaasigan ayaa sheegay in habraaca la doonayo in la hirgeliyo aanu noqon doonin mid sharci ah, isla markaana aanu keeni doonin xasillooni sababo dhowr ah dartood, isagoo tilmaamay:
- In uu baalmarsan yahay dastuurka Koonfur Galbeed iyo nidaamka federaalka.
- In Dowladda Federaalka aanay haysan sharciyad buuxda oo ay ku hirgeliso doorasho noocaas ah, maadaama uu sheegay in muddadii xilkeedu dhammaatay.
- In hay’adaha kala duwan ee doorashada iyo xukuumaddu ay isku dhex jiraan, taas oo dhaawaceysa dhexdhexaadnimada.
- In xaaladaha amni iyo tabashooyinka bulshada ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin dib-u-heshiisiin ka hor doorasho.
- In aan shacabka waxba laga weydiin rabitaankooda, taas oo uu sheegay inay sii kordhin karto kala qaybsanaanta bulshada.
- In natiijada doorashada la sii saadaalin karo.
- In maamul kasta oo ka soo baxa habkan aanu heli doonin aqoonsi buuxa iyo sharciyad bulsho.
Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in Koonfur Galbeed ay u baahan tahay xasillooni, dib-u-heshiisiin dhab ah, wadatashi loo dhan yahay, iyo doorasho ku timaada heshiis bulsho, halkii laga raaci lahaa nidaam uu ku tilmaamay mid awood lagu muquuninayo oo dhaawici kara nabadda gobolka.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dood siyaasadeed oo xooggan ay ka taagan tahay mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya iyo qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

