Arbaco , Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa u guuray degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, isagoo fadhiisin cusub ka sameystay meel ku dhow aagga Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Kheyre uu ka guuray xayndaabka Hotel Jazeera ee ku dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana uu degay agagaarka Dalcada Sayidka, oo qiyaastii hal kiiloomitir u jirta Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobta uu degay ayaa ku dhow mid ka mid ah baraha ugu muhiimsan ee laga galo aagga Madaxtooyada, waxaana lagu tilmaamaa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda caasimadda.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, u guuritaanka Kheyre ee aaggan ayaa la xiriira abaabulka dibadbaxyo mucaaradku kaga soo horjeedaan muddo-kordhin loo arko in lagu sii dheereynayo waqtiga dowladda hadda jirta.

Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo mucaaradku ay ku eedeynayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu doonayo inuu sii joogo xafiiska kaddib dhammaadka muddo-xileedkiisa. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ballanqaaday inay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo horseedi karta muddo-kordhin, iyagoo ku baaqaya in lagu dhaqmo nidaamka dastuuriga ah iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, dowladda ayaa adkaysay ammaanka jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, halka dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay sidoo kale ka socdaan deegaanka Mirinaayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin wararkan, iyadoo aan la helin xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan qaar ka mid ah sheegashooyinka dhinacyada siyaasadda.