Jimco , Juun 5, 2026 (Baidoa Online)-Ciidamada ammaanka ayaa Khamiistii ku hor istaagay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, arrintaas oo dhalisay xiisad iyo su’aalo la xiriira sababta ka dambeysa tallaabadaasi.
Kolonyada ayaa ka soo ambabaxday deegaanka Mirinaayo, waxaana la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Goobjoogayaal iyo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay kolonyada ku hor istaageen degmada Shangaani, iyagoo ka hor istaagay inay sii wataan safarkooda.
Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in kolonyada la joojiyo, mana jirto wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya ama hay’adaha ammaanku ka soo saareen dhacdada. Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in dadaallo lagu xallinayo xaaladda ay socdeen, iyadoo la adeegsanayo dhex-dhexaadin iyo wada-xaajood.
Ammaanka degmada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah iyadoo xaaladdu ay weli taagan tahay. Sheekh Shariif iyo xubnihii la socday ayaa ku sugnaa goobta lagu hakiyay, halka dhinacyada ku lugta leh ay wadeen dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta.
Dhacdadan ayaa soo jiidatay indhaha shacabka iyo siyaasiyiinta, maadaama ay ku lug leeyihiin masuuliyiin sare oo siyaasadeed iyo ciidan, iyadoo weli la sugayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay in la joojiyo kolonyada madaxweynihii hore.
Falanqeeye siyaasadeed oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in tallaabada lagu hor istaagay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, iyagoo galbinaya madaxweyne hore, ay muujinayso niyad-jab ka jira hoggaanka dalka isla markaana aysan ka tarjumayn dadaal lagu raadinayo xal iyo is-afgarad siyaasadeed.
"Marka Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada la hor istaago iyagoo galbinaya madaxweyne hore oo lagu yaqaanay tanaasul iyo door ka qaadasho geeddi-socodka nabadda, waxay muujinaysaa in hoggaanka dalka uusan ku socon waddo xal raadis ah," ayuu yiri falanqeeyaha.
Waxa uu sidoo kale su’aal geliyay awoodda iyo sumcadda taliska ciidanka, isagoo tilmaamay in hor istaagga taliye maamula kumannaan askari ay dhaawacayso muuqaalka hoggaamineed ee ciidamada qalabka sida.
Dhacdadan ayaa sii kordhisay doodaha ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo madaxda siyaasadda, iyadoo weli la sugayo war rasmi ah oo dowladda ka soo saarto sababta ka dambeysay joojinta kolonyada madaxweynihii hore.



