Jimco, Juun 12, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in rabshadihii iyo xiisadihii ka dhacay Muqdisho 3-dii June ay saameyn ku yeesheen kalsoonida maalgashadayaasha, isla markaana ay dib u dhigeen qorshayaal maalgashi oo waaweyn oo lagu waday in dalka laga hirgeliyo.
Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in maalgashadayaal badan, oo ay ku jiraan shirkado daneynayay maalgashiga shidaalka Soomaaliya, ay ka walaaceen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka kadib markii ay arkeen dhacdooyinkii ka dhacay caasimadda.
Xasan Sheekh ayaa xusay in dhacdooyinkaas ay si weyn u soo jiiteen indhaha caalamka, taasoo keentay in la is weydiiyo heerka xasilloonida Soomaaliya, isla markaana ay saameyn ku yeelato dadaallada lagu doonayo in dalka lagu soo jiito maalgashi shisheeye.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka inay door ku lahaayeen baahinta iyo muujinta rabshadahaasi, isagoo sheegay in arrintaasi ay dhaawacday sumcadda Soomaaliya isla markaana ay niyad-jabisay qaar ka mid ah maalgashadayaashii qorsheynayay inay dalka maalgashi ku sameeyaan.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa difaacay doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Gobolka Banaadir iyo magaalada Baydhabo, isagoo ku tilmaamay kuwo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya, inkastoo ay si weyn uga soo horjeedaan qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka.
Munaasabaddii uu ka hadlayay Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa bandhigyo ay soo bandhigeen kooxo faneed, kuwaas oo muujiyay taageero ay u hayaan sii joogitaankiisa xafiiska. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyay in hoggaanka dalka uu yahay xil ku-meel-gaar ah, isla markaana xaaladaha siyaasadeed ay mar kasta is beddeli karaan.
Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya ka socdaan dooddo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dib-u-habeynta siyaasadda, iyo dadaallada lagu xoojinayo kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah.
