BAYDHABO, SOOMAALIYA — OCT,18,2026- Warar laga helayo ilo amni oo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in uu fashil ku dhammaaday wada-hadallo saacadihii la soo dhaafay dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.
Wada-hadalladan ayaa la sheegay inay salka ku hayeen qorshe ay Dowladda Federaalka ku doonaysay in ciidamada Itoobiya ay door ka qaataan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, isla markaana ay ka hortagaan maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Sida ay sheegayaan ilaha xogta bixiyay, saraakiisha Itoobiya ayaa ka biyo diiday dalabkaasi, taas oo la sheegay inay caro xooggan ku abuurtay madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kuwaas oo haatan ka fiirsanaya tallaabooyin kale.
Saraakiisha Itoobiya oo diiday inay qayb ka noqdaan dagaallo siyaasadeed
Wararka ayaa tilmaamaya in qodobka ugu weyn ee la isku mari waayay uu ahaa doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo suurtagalnimada inay ku lug yeeshaan iska horimaadyo ka dhasha khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Saraakiisha Itoobiya ayaa la sheegay inay ku adkaysteen inaysan haysan oggolaansho ay kaga qayb qaadan karaan dagaallo salka ku haya loollan siyaasadeed oo gudaha Soomaaliya ah.
Dhanka kale, mowqifkan ayaa la sheegay inuusan ku qancin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee wada-hadallada ka qaybgalay.
Itoobiya oo ka digtay in dagaal ka qarxo Baydhabo
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay inay digniin adag ka bixiyeen suurtagalnimada in magaalada Baydhabo ay ka dhacaan iska horimaadyo hubaysan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiishu ay si gaar ah uga digeen in hub iyo dagaal la geliyo goobaha xasaasiga ah ee magaalada, gaar ahaan inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in dhinacyada siyaasadda isku haya ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo hannaan siyaasadeed, halkii ay adeegsan lahaayeen awood ciidan.
Khilaaf cusub oo ka dhashay ciidamada Masar iyo saldhigga Turkiga
Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in maalmo ka hor Itoobiya ay ka hortimid qorshe la xiriiray in ciidamo Masaari ah iyo saldhig milatari oo Turkigu leeyahay laga hirgeliyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.
Sida ay iluhu tilmaamayaan, dhinaca Itoobiya ayaa ku adkaystay in aan isbeddel noocaas ah lagu samayn karin goobaha ay ciidamadoodu joogaan ilaa si rasmi ah loo wareejiyo mas’uuliyadda amniga.
Arrintan ayaa muujinaysa sida ay ilahani u arkaan in khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu ugu xirmayo loollanka saameynta amni iyo midda istaraatiijiyadeed ee gobolka.
Wada-hadalladii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo wajahaya caqabado cusub
Toddobaadyo ka hor, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu arrimahan kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Inkasta oo wada-hadalladaasi la sheegay inay labada dhinac ku soo dhoweeyeen is-afgarad, haddana safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira ayaa sida ay iluhu sheegayaan beddelay jihadii ay arrimuhu u socdeen.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar tilmaamaya in dalalka deriska ahi ay dib u eegis ku samaynayaan mowqifyadooda ku aaddan qorshayaasha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Villa Soomaaliya.
Xiisadda Koonfur Galbeed oo waji cusub yeelan karta
Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ee garabka lafta gareen.
Haddii ay sii socdaan is-mari-waaga siyaasadeed iyo khilaafaadka ku saabsan doorka ciidamada shisheeye, waxaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeeshaan xasilloonida Baydhabo iyo guud ahaan amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
wararka laga helayo ilaha amniga ayaa muujinaya in saraakiisha Itoobiya ay weli ku adkaysanayaan mowqifkooda ku aaddan inaanay qayb ka noqon dagaallo siyaasadeed oo gudaha Soomaaliya ka dhaca.
