Talaado , May 26, 2026 (Baidoa Online) -Muqdisho, dowladda ayaa ciidamo aad u hubeysan ku hor dhoobtay guriga madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo loo arko inay tahay sii kordhinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda.

Sida ay sheegayaan warar kala duwan, saq dhexe ayaa la xoojiyay joogitaanka ciidamada, iyadoo cutubyo hubeysan la dhigay meelaha laga soo galo iyo agagaarka guriga madaxweynihii hore. Tallaabadan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaybo ka tirsan mucaaradka.

Arrintan ayaa loo arkaa inay qayb ka tahay tallaabooyin amni oo la xiriira banaanbaxyo la filayo iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sii xoogeysanaya gudaha magaalada Muqdisho. Waxay sidoo kale sii kordhisay walaaca ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee caasimadda.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo lagu sharaxayo sababta ka dambeysa tallaabadan.