Khamiis , Juun 4, 2026 (Baidoa Online) -Dagaallo culus ayaa weli ka socda laba goobood oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay baaqyada mucaaradka ee ku aaddan dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Mid ka mid ah goobaha ugu daran ee dagaalladu ka socdaan ayaa ah agagaarka hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ee degmada Howlwadaag. Goobta labaadna waa xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo taageersan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalladan ayaa billowday galinkii dambe ee Arbacada, waxayna socdeen habeenkii oo dhan, iyadoo labada goobood laga soo sheegayo rasaas culus iyo iska horimaadyo joogto ah.

Rabshadahaan ayaa yimid kaddib markii kooxaha mucaaradku ku baaqeen dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay isku dayeen inay xaddidaan isu-soo-baxyada mucaaradka, taasoo horseedday iska horimaadyo isu beddelay dagaallo hubeysan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalladu ay saameeyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaannada ay ka dhacayaan, iyadoo dad badan ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ku nagaadaan sababo la xiriira xaaladda amni.

Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoo dagaalladu ay ka sii socdaan qaybo ka mid ah caasimadda.