Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Dagaal culus ayaa mar kale ka qarxay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay socdaan rasaas xooggan iyo iska horimaad hubeysan oo ka dhacaya agagaarka goobta, taasoo argagax weyn ku abuurtay shacabka deegaanka, kuwaas oo intooda badan guryahooda ku go’doonsan.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamo iyo kooxo hubeysan ay ku dagaallamayaan halkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda ay yihiin dhinacyada ku lugta leh.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha, burburka, iyo jawaabta rasmiga ah ee dowladda.
