Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa galabta ka qarxay xaafado ka tirsan degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta, iska hor imaadka ayaa si gaar ah uga bilowday agagaarka Isgoyska Dabka iyo Xaafadda Barmuuda, meel aan ka fogeyn guriga uu deganaa Xildhibaan Jacfar, halkaas oo la sheegay inuu xalay ku sugnaa Xasan Cali Kheyre.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayaan rasaas culus iyo hubka waaweyn oo si xiriir ah uga dhacaya aagga dagaalku ka socdo, iyadoo xaaladda amni ee deegaanka ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda ay dhaqdhaqaaqyo amni ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Howl-Wadaag, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno mucaarad ah oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ku lahaa Muqdisho.

Isgoyska Sayidka, oo kamid ah meelaha muhiimka ah ee laga galo xarumaha dowladda iyo Madaxtooyada, ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan, iyadoo la arkayo ciidamo dheeraad ah oo lagu daabulayo goobaha istaraatiijiga ah ee caasimadda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulamo amni oo heer sare ah ay maanta ka dhaceen Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo qorshayaasha la xiriira dibadbaxyada ay ku baaqeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sidoo kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ay jiraan qorshayaal lagu beegsanayo qaar ka mid ah guryaha ay degan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, inkastoo aan weli wax war ah kasoo bixin hay’adaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka, mana jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ama dhinacyada la sheegay inay dagaallamayaan.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa, taasoo ka dhalatay khilaafyo la xiriira arrimaha doorashooyinka, maamulka dalka iyo xiriirka dowladda iyo mucaaradka.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladda Howl-Wadaag iyo goobaha kale ee dagaalku ka socdo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan, iyadoo shacabka Muqdisho ay si weyn uga walaacsan yihiin suurtagalnimada in xaaladdu sii xumaato.