Talaado, Juun 9, 2026 (Baidoa Online) -Magaalada Baydhaba ee xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad amni oo aad loo adkeeyay saacadihii la soo dhaafay, iyadoo la filayo in berri ay ka dhacdo doorasho ay si dhow ula socdaan dhinacyada siyaasadda iyo amniga.
Wararka laga helayo Baydhaba ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay tan iyo xalay si aan caadi ahayn ugu dul heehaabayeen magaalada iyo nawaaxigeeda, iyagoo la sheegay inay sameynayaan kormeerro amni iyo daba-gal la xiriira sugidda amniga guud ee magaalada.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si weyn u xoojiyeen sugidda nabadgelyada, iyadoo baraha kontoroolka laga soo galo magaalada lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ciidamo cusub geysay goobaha muhiimka ah si looga hortago falal kasta oo amniga wax u dhimi kara inta lagu guda jiro doorashada la qorsheeyay.
Sidoo kale, wararku waxay tilmaamayaan in ciidamada taageersan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay ku sugan yihiin deegaano aan ka fogeyn Baydhaba. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso maamul cusub oo ka hanaqaada deegaannada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, tan iyo shalay gelinkii hore waxaa qaybo ka mid ah Baydhaba iyo hareeraheeda lagu arkayay ciidamo tiro badan oo taageersan maamulka dowladda ay magaalada geysay. Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadaha siyaasadeed ay saameyn ku yeeshaan xaaladda amni ee magaalada.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ama dowladda Federaalka oo faahfaahin ka bixinaya sababta saxda ah ee loo kordhiyay ciidamadan iyo duullimaadyada diyaaradaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, Baydhaba ayaa ku jirta feejignaan amni oo heer sare ah iyadoo indhaha lagu hayo doorashada la filayo inay dhacdo maalinta berri ah.

