Soomaaliya waxaa si daran u saameeyay xaalad gaajo oo sii xoogeysanaysa. Xarunta xasilinta carruurta nafaqo-darradu hayso ee Isbitaalka Guud ee Kismaayo, oo ay taageerto Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2026 diiwaangelisay koror dhan 41 boqolkiiba oo ku yimid carruurta la seexiyay, marka loo eego isla muddadaas sannadkii hore. Dhammaan carruurtaasi waxay la ildarnaayeen nafaqo-darro.

Carruurtaas waxaa ka mid ah Xasan, oo aan weli gaarin saddex sano iyo bar. Xasan waxaa xarunta la keenay bishii Luulyo, isagoo muujinayay calaamado nafaqo-darro aad u daran, caabuq afka ah, jir-dhuubasho ba’an iyo oof-wareen.

Hooyadii, Sabiriin, waa haweeney carmal ah. Markii ay aragtay xaaladda Xasan oo sii xumaanaysa, waxay garatay in arrintu tahay nolol iyo geeri. Hase yeeshee, ma jirin xarun caafimaad oo u dhow, kharashka gaadiidkuna aad ayuu qaali u ahaa, halka waddooyinkuna ay dhoobo iyo roobab awgood adkaadeen in la maro.

“Xasan wuu bararay, maqaarkiisuna meel walba ayuu ka dillaacay. Lacag aan gaadiid ku bixiyo ma haysan, sidaas darteed dad ayaa lacag ii ururiyay. Waxaan raacay gaari, waxaana waddada ku qaadannay maalmo. Roob ayaa da’ay, waddadiina waxay noqotay mid aan la mari karin. Waxaan halkan soo gaarnay habeenkii saddexaad, xilligii fiidkii,” ayay tiri.

“Mahad Ilaahay, hadda xaaladdiisu way soo hagaagaysaa.”

ICRC ayaa dhowaan tirada xarumaha nafaqada ee Ururka Bisha Cas Soomaaliyeed ay taageerto ka kordhisay 10 xarumood ilaa 22 xarumood. Hase yeeshee, helitaanka adeegyada caafimaad ayaa weli caqabad weyn ah. Deegaanno badan oo miyiga ah ayaan lahayn xarumo caafimaad, halka qaar ka mid ah xarumihii jirayna la xiray sababo la xiriira dhimista gargaarka.

Arrintaas awgeed, qoysas badan ayaa maalmo safar ah u gala sidii ay gargaar caafimaad u heli lahaayeen, iyagoo bixiya lacago badan oo gaadiid ah. Qiimaha shidaalka ayaa in ka badan labanlaabmay bilihii ugu dambeeyay, kaddib carqalado ku yimid marinnada maraakiibta ee gobolka.

Sida Sabiriin oo kale, Xaawo waxay gashay safar adag oo 60 kiiloomitir ah si ay u gaarto Isbitaalka Guud ee Kismaayo, oo ah xarunta keliya ee gobolka ku taalla ee awoodda u leh inay bixiso daryeelka naf-badbaadinta ah ee gabadheeda Nasro ay sida degdegga ah ugu baahnayd.

Xaawo waxay toddobaadyo lacag urursanaysay si ay u bixiso $30 oo ah kharashka tagsiga, iyadoo xaaladda caafimaad ee Nasro ay saacadba saacadda ka dambeysa sii xumaanaysay. Markii ay isbitaalka gaareen, xaaladda Nasro waxay ahayd mid halis ah. Waxaa si degdeg ah loo geeyay qeybta daryeelka gaarka ah, waxaana tan iyo xilligaas laga dareemay calaamado muujinaya inay soo kabanayso.

“Shalay ayaan imid, habeenkiina halkan ayaan ku hoyday. Markii aan imid, way baarayeen Nasro, waxayna ku xireen faleebo kaddib markii ay cirbad siiyeen. Caano ayay sidoo kale siiyeen,” ayay Xaawo tiri.

“Maanta way ka fiican tahay sidii ay shalay ahayd. Xaaladdeedu aad ayay u halis ahayd, laakiin hadda indhaheedu way furan yihiin.”

Hoos u dhaca maalgelinta gargaarka, saameynta daba-dheeraatay ee abaarta iyo kororka qiimaha badeecooyinka aasaasiga ah sida cuntada iyo shidaalka ayaa sii kordhinaya sugnaan la’aanta cuntada ee ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Saameyntan ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada Kismaayo, halkaas oo kororka kharashka gaadiidka iyo qiimaha cuntadu uu culays weyn ku yahay qoysas markii horeba ku noolaa xaalado adag.

“Wax kasta oo dunida ka jira waxay ku tiirsan yihiin shidaalka. Kahor colaadda Iran, shan litir oo shidaal ah waxaa lagu iibin jiray $3.80. Saaka, shan litir waxaa lagu iibinayay $8.50. Farqiga waad arki kartaa. Isbeddelkan wuxuu saameynayaa wax kasta oo aan isticmaalno,” ayuu yiri Cali Ciise, oo ah ganacsade ka shaqeeya suuqa Jamaame ee Kismaayo.

“Ku dhowaad 95 boqolkiiba wax walba waa ay saameeyeen. Kiish baradho ah wuxuu markii hore ku kacayay $45, laakiin maanta wuxuu marayaa $80. Taasi waa koror dhan $35, waxaana sabab u ah colaadda socota. Waxay carqaladeysay marinnadii maraakiibta shidaalka, arrintaasina waxay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedkeenna.”

Iyadoo baahiyaha bani’aadannimo ay sii kordhayaan, maalgelinta gargaarku way sii yaraanaysaa. Dhimista gargaarka ayaa sababtay hakadyo aad u daran oo ku yimid adeegyada caafimaadka, barnaamijyada nafaqada iyo kaalmada cuntada, iyadoo haweenka iyo carruurtu yihiin kuwa ugu daran ee ay saameyntu gaartay.

“Waxaan aragnaa saameynta isku biirtay ee kororka qiimaha shidaalka iyo cuntada, raadadka daba-dheeraaday ee abaarta oo carqaladeeyay hab-nololeedka dadka, iyo hoos u dhaca maalgelinta gargaarka xilli qoysaska Soomaaliyeed ay aadka ugu baahan yihiin taageeradaas,” ayuu yiri Antoine Grand, madaxa ICRC ee Soomaaliya.

“Annaga iyo saaxiibbadayada Ururka Bisha Cas Soomaaliyeed waxaan ka shaqeyneynaa bixinta adeegyo caafimaad oo dalka oo dhan ah, laakiin waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah.”

Inkasta oo miisaaniyadda la dhimay, Soomaaliya waxay weli tahay howlgalka saddexaad ee ugu weyn ICRC ay ka waddo Afrika, iyadoo loo qoondeeyay miisaaniyad dhan $80 milyan.