Axad, May 24, 2026 (Baidoa Online) -Qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo sababay dhaawac soo gaaray haweeney ka ganacsanaysay shaaha.
Wararka hore ee laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaraxu uu si lama filaan ah uga dhacay meel ay dad rayid ah ku sugnaayeen, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka isla markaana hakisay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee suuqa.
Haweeneyda dhaawacantay ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dad rayid ah oo goobta ku sugnaa xilliga qaraxa, waxaana si degdeg ah loogu qaaday xarun caafimaad si loola tacaalo dhaawaceeda. Ilaa hadda lama xaqiijin xaaladdeeda caafimaad ee rasmiga ah.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa, waxaana ay bilaabeen baaritaanno la xiriira dhacdadan. Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa marar badan waxaa ka dhaca weerarro iyo qaraxyo sababa dhaawacyo iyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah.
