Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online) -Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xirtay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyaga oo sheegay in tallaabadaas ay tahay mid siyaasadeed oo aan sal iyo raad ku lahayn sababo farsamo, amni ama duulimaad.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu helay xaqiijin ku saabsan xiritaanka garoonka, isla markaana ay si adag u cambaareeyeen go’aankaas.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xiritaanka garoonka uu saameyn weyn ku yeelan doono adeegyada bulshada, gaar ahaan gaadiidka caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga, gargaarka bani’aadantinimo, iyo isu-socodka dadka deegaanka Doolow iyo nawaaxigiisa.

Jubbaland ayaa sidoo kale xustay in Garoonka Doolow uu horey u xirnaa muddo dheer oo billowday 19-kii Luulyo 2025, taas oo ay sheegeen in ay keentay saameyn culus oo dhinaca nolosha bulshada ah.

“Xannibaadda lagu hayo Garoonka Doolow waxay noqotay tusaale cad oo muujinaya sida awoodaha farsamo ee maamulka hawada loogu adeegsanayo cadaadis siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay ka hor imaanayso mabaadi’da duulista rayidka caalamiga ah ee ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Caalamka International Civil Aviation Organization, taas oo xoogga saarta in maamulka hawada lagu saleeyo xirfad, dhexdhexaadnimo iyo badbaadada duulimaadyada

Jubbaland ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in si degdeg ah loo furo garoonka, isla markaana ay ka digtay cawaaqibka bini’aadantinimo iyo midka dhaqaale ee ka dhalan kara xiritaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan.