Arbaco , May 27, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Salaadda Ciidul Adxaa kula tukaday masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Kismaayo, xarunta Madaxtooyada Jubaland.
Madaxweynaha ayaa safka hore kaga qeyb galay tukashada salaadda, isagoo ay weheliyeen saraakiil dowladeed, culimo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, taas oo muujisay isdhexgalka hoggaanka iyo shacabka xilli lagu jiro munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Kadib salaadda, Madaxweynaha Jubaland ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Jubaland, isagoo Alle uga baryay in uu ka aqbalo acmaasha, nabad iyo barwaaqona siiyo dalka.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo taageerada dowlad-dhiska, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka.
Munaasabadda Ciidul Adxaa ayaa si weyn looga xusay magaalada Kismaayo, iyadoo amniga guud ee magaalada si adag loo adkeeyay inta ay socdeen tukashada iyo dabaal-degyada ciidda.












