Axad, May 24, 2026 (Baidoa Online) -Ra’iisul Wasaarihii Hore Khayre ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ciidamada ammaanka u adeegsaneyso shacabka iyo dhalinyarada ku nool Muqdisho.
Khayre ayaa ciidamada xoogga dalka uga digay inay qaataan amarro uu ku tilmaamay “kuwa sharci darro ah” oo kasoo baxaya “madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday,” isagoo sheegay in ciidamada looga baahan yahay difaaca shacabka iyo dalka, balse aan loo adeegsan caburin siyaasadeed.
“Waxaan helaynaa warar sheegaya in dhalinyarada Muqdisho habeenkii la ugaarsanayo. Ciidamada looma dhisin inay shacabka baacsadaan ama ay cabsi geliyaan,” ayuu yiri Khayre.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in ciidamada ay sameynayaan howlgallo habeenkii ah oo lagu bartilmaameedsanayo dhalinyarada, isagoo sidoo kale ku eedeeyay askar inay dhac u geysteen shacabka islamarkaana ka qaateen taleefannada gacanta iyo alaabooyin kale oo qiimo leh.
“Tani ma ahan hab dowladeed oo sharci ah, waa caburin iyo handadaad shacabka lagu hayo,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Khayre ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda iyo dalabkooda, haddii ay suuragal tahayna ay isugu soo baxaan waddooyinka Muqdisho ama ay codkooda ku muujiyaan baraha bulshada.
“Dibadbaxu waa xuquuq dastuuri ah. Dhalinyarada lama cabsi gelin karo sababta oo ah waxay aragti ka duwan qabaan dowladda ama ay ka qeyb galayaan bannaanbaxyo,” ayuu yiri.
Waxa uu shaaciyay in bannaanbax weyn lagu qaban doono Muqdisho 4-ta Juun 2026, isagoo ugu baaqay shacabka inay si nabad ah uga qeyb qaataan.
Hadalka Khayre ayaa kusoo aadaya iyadoo ay sare u kacayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Muqdisho, halka mucaaradka ay dowladda ku eedeynayaan inay cadaadis ku heyso dadka dhaliila maamulka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Ra’iisul wasaarihii hore.
