Jimco, May 15, 2026 (Baidoa Online) -Maamulka Koonfur Galbeed oo la safan hoggaamiyihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si adag u beeniyey in ay wax xiriir ah la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, iyagoo caddeeyay in ciidamadoodu ay yihiin kuwa sharciyad ku dhisan oo loo igmaday sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee ay ku tilmaameen inay “ku soo duuleen” deegaannada maamulka.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay si rasmi ah ugu shaqeynayaan waajibaadkooda amni, isla markaana ay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxaha halista ku ah xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, maamulka ayaa ku eedeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay fuliyeen waxa ay ku tilmaameen “afgambi milatari” oo ka dhacay magaalada Baidoa, taas oo ay sheegeen in lagu la wareegay taladii iyo hay’adihii maamulka deegaanka.
