Sabti, May 30, 2026 (Baidoa Online) -Sida ay sheegayaan ilo gudaha ah, ku dhawaad 400 oo askari oo tababar militari ku jiray magaalada Baydhabo ayaa ka goostay una biiray ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in askartan ay hubkooda wateen markii ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, ka dib markii ay saaka galeen qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo ciidamada la sheegay inay la socdaan hoggaanka gobolka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah ciidamada ka goostay ay horey ula socdeen ciidamo taabacsan Laftagareen xilligii ay ka baxayeen qaybo ka mid ah magaalada, ka hor inta aysan si buuxda ugu biirin.

Ma jiro weli xaqiijin rasmi ah oo ka timid dowladda federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan tirada saxda ah ee ciidamada ama isbeddelkan.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadka deegaanku ka cabsi qabaan in xiisaddu ay sii korodho saacadaha soo socda.