Isniin, May 18, 2026 (Baidoa Online) -Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddeysay in aysan gacanta ku haynin natiijooyin sax ah iyo dukumentiyo dhameystiran oo la xiriira doorashooyin ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo hore loogu gudbiyay maxkamadda si loogu sameeyo qiimeyn sharciyeed iyo go’aan rasmi ah.

War kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in xogta iyo waraaqaha la horgeeyay aysan buuxin shuruudihii sharci iyo nidaam ee looga baahnaa caddeymaha doorashada, taasoo keentay in maxkamaddu aysan weli awoodin inay gaarto go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan saxnaanta natiijooyinkaasi.

Ilo sharciyeed ayaa tilmaamaya in arrintan ay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta habraaca doorashada iyo sida loo maareeyay gudbinta dukumentiyada muhiimka ah ee la xiriira codbixinta ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aanka iyo caddeynta kasoo baxday maxkamadda ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo muran xooggan oo ka taagan sharciyadda doorashooyinka qaar ee dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan kuwa ay mucaaradka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanka ay hore uga muujiyeen walaac.

Qaar kamid ah shacabka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in hadalka maxkamadda sare uu muujinayo baahi loo qabo:

Dhanka kale, weli si rasmi ah ugama aysan hadlin maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya eedeymaha iyo caddeynta kasoo baxday maxkamadda sare.

Arrintan ayaa la filayaa inay sii kordhiso xiisadda siyaasadeed iyo doodaha la xiriira kalsoonida lagu qabo nidaamka doorashooyinka dalka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan hay’adaha garsoorka iyo dhinacyada siyaasadda ku lugta leh.