Jimco, May 15, 2026 (Baidoa Online) -European Union ayaa muujiyey in Soomaaliya ay galayso marxalad siyaasadeed oo cusub, isla markaana loo baahan yahay in si deg-deg ah heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku iftiimisay afar qodob oo muhiim u ah xaaladda siyaasadeed ee dalka:

Marxalad Cusub – Beesha caalamka ayaa aqoonsatay in Soomaaliya ay u gudbayso xilli kala-guur siyaasadeed, iyadoo si dhow loola socdo wada-hadallada ka socda Muqdisho.

Nidaam Doorasho oo Hirgeli Kara – Midowga Yurub ayaa si dadban ugu baaqay in la qaato hannaan doorasho oo waaqici ah kana turjumaya xaaladaha amni, waqti iyo dhaqaale ee jira, si looga fogaado dib-u-dhac hor leh.

Ka-Qaybgalka Haweenka iyo Dhallinyarada – Hoggaanka Soomaalida ayaa lagu dhiirrigeliyey in go’aannada la gaarayo ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, isla markaana aan la iska indho-tirin doorka iyo mustaqbalka haweenka iyo dhallinyarada.

Jadwal Cad oo Lagu Kalsoonaan Karo – Saaxiibbada caalamka ayaa sugaya warmurtiyeed wadajir ah oo maanta la filayo, iyo jadwal cad oo horseedi kara kala-guur siyaasadeed oo nabdoon.

Farriintan oo si toos ah loogu xusay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa loo arkaa digniin siyaasadeed oo muujinaysa in taageerada caalamiga ah ee mustaqbalka ay ku xirnaan doonto heshiis loo dhan yahay oo la fulin karo.