Jimco, May 22, 2026 (Baidoa Online) -Gaadiid ciidan iyo qalab milatari oo culus ayaa lagu arkay iyagoo ku wajahan degmada Cabdicasiis ee waqooyiga Muqdisho fiidnimadii Jimcaha, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kolonyo ciidan ay mareen waddooyinka waaweyn ee degmada, iyadoo ciidamada ay wateen gaadiid iyo qalab milatari oo aad u badan. Ilaa hadda ma cadda ujeedada rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqan, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan howlgalkaasi.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sidoo kale sheegay in la dareemayay feejignaan amni oo sareysa iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn intii ay kolonyadu sii mareysay degmada.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka dalka. Mucaaradka ayaa ku baaqay bannaanbaxyo ballaaran oo la qorsheeyay inay dhacaan Khamiista, 4-ta Juun 2026, inkastoo aan weli la xaqiijin in dhaq-dhaqaaqyada ciidamadu ay si toos ah ula xiriiraan xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Illaa iyo hadda lama soo sheegin wax iska horimaadyo ah ama dhacdooyin amni oo lala xiriirinayo ciidamada la arkay.