Talaado, Juun 16, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid wararka sheegaya in Israa’iil ay xiriir toos ah la sameynayso Somaliland iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga walaacsan tahay wararka ku saabsan xiriirka la sheegay inuu dhexmarayo maamulka Israa’iil iyo maamulka Somaliland.
Wasaaraddu waxay caddeysay in xiriir kasta oo noocaas ah uu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida, wadajirka dhuleed, midnimada qaranka iyo nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladdu waxay xustay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo si buuxda uga tirsan beesha caalamka, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyan u xil saaran matalaadda dalka ee arrimaha dibadda iyo xiriirrada caalamiga ah.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa adkaysay in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama mid kale oo lala yeesho Somaliland iyadoo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn sharciyad ama miisaan siyaasadeed oo la aqbali karo.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibbada iyo daneeyayaasha caalamiga ah inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo xasilloonida dalka
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharci, diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ay la leedahay saaxiibbadeeda caalamiga ah, balse waxay carrabka ku adkaysay inaanay aqbali doonin tallaabo kasta oo ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda ama halis gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan wararka iyo mala-awaallada la xiriira suuragalnimada xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara Israa’iil iyo Somaliland, maamulka ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse aan weli helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.

