Jimco, May 15, 2026 (Baidoa Online) -Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dib u dhigay bannaanbixii ay qorsheynayeen in berri ay ka qabtaan magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay fursad siinayaan wada-hadallada weli socda ee u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Qoraalkooda ayaa u qornaa sidan:

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in dib loo dhigay bannaanbixii nabadeed ee loo qorsheeyey 16-ka May 2026.

Go’aankan waxaa la qaatay iyadoo fursad la siinayo wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka, si xal looga gaaro arrimaha barakicinta, xabsiyada sharci darrada ah, doorashooyinka, iyo maaraynta marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale caddeynaysaa in bannaanbaxa la qorsheeyey uu ahaa mid nabadeed oo lagu dalbanayo joojinta barakicinta, joojinta doorashooyinka hal dhinac ah, ilaalinta dastuurka, amniga, iyo xuquuqda muwaadinka.

Taariikhda cusub ee bannaanbaxa dib ayaa laga soo sheegi doonaa iyadoo lagu salaynayo natiijada iyo horumarka laga gaaro wada-hadallada socda.”