Talaado , May 19, 2026 (Baidoa Online) -Mucaaradka Soomaaliya iyo xubno siyaasiyiin ah ayaa markale ku dhawaaqay bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen “muddo-kordhin siyaasadeed” oo uu wado Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Muqdisho.

Bayaan ay soo saareen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa lagu sheegay in bannaanbaxyadu ay dhici doonaan 4-ta June 2026, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan isu soo baxyada la qorsheeyay.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay waddo qorshe siyaasadeed oo aan loo dhammeyn wada-tashi qaran, iyagoo sheegay in loo baahan yahay hannaan siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

Waxay sidoo kale sheegeen in bannaanbaxyadu noqon doonaan kuwo nabadeed oo lagu muujinayo aragtida shacabka iyo diidmadooda ku aaddan jihada siyaasadeed ee dalka.

Ku dhawaaqista bannaanbaxyadan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli ay jirto walaac laga qabo in khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu saameyn ku yeesho xaaladda amniga iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.