Talaado , Juun 2, 2026 (Baidoa Online) -Sida ay sheegeen ilo amni, sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu dilay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Brigadier General Salaad Maxamed Guuleed. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhacdadu ay ka dhacday meel u dhow hoygiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Macluumaad horudhac ah ayaa muujinaya in labo ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka. Labada qof ayaa la xiray, iyadoo ay socdaan baaritaanno rasmi ah oo ay wadaan hay’adaha amniga.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay hadda ku jiraan xabsi, isla markaana baarayaashu ay wadaan dadaallo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo sababta ka dambeysay falka dilka ah.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah, balse waxay xaqiijisay in baaritaan qoto dheer uu socdo, isla markaana natiijooyin dheeraad ah la filayo in lasoo saaro maalmaha soo socda.