Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026 ( Baidoaonline)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xaqiijiyay in bannaanbaxyada la qorsheeyay inay ka dhacaan Muqdisho 4-ta Juun ay u dhici doonaan sidii loo qorsheeyay, sida ay sheegayaan ilo ku dhow siyaasiga.

Sida ay wararku tilmaamayaan, Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan bannaanbaxyada isla markaana ay ka shaqeeyaan abaabulkooda. Waxa uu sidoo kale dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku tilmaamay madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday 15-kii May 2026.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Khayre uu ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in shacabka ay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda, isaga oo ku baaqay ka qaybgal ballaaran oo lagu muujinayo cabashooyinka jira.

Dhanka kale, xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa u muuqata mid sii cakirmaysa, iyadoo ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in aan weli la arkin calaamado muujinaya tanaasul ama heshiis dhex mara dhinacyada iska soo horjeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin hadalladii ugu dambeeyay ee Khayre. Hay’adaha amniga ayaa la filayaa inay si dhow ula socdaan xaaladda magaalada iyadoo la sii wado diyaar-garowga bannaanbaxyada la qorsheeyay.

Khubarada arrimaha siyaasadda ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wada-hadal nabadeed iyo xalinta khilaafaadka si loo ilaaliyo xasilloonida iyo amniga dalka.