Arbaco , May 27, 2026 (Baidoa Online)-Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi ayaa hadallo adag u jeediyay Hassan Sheikh Mohamud iyo Ismaïl Omar Guelleh, isaga oo ugu baaqay inay ixtiraamaan mowqifka Somaliland isla markaana xiriirka lagu saleeyo is-ixtiraam, wada-shaqeyn iyo deris wanaag.
Madaxweyne Ciro oo khudbad ka jeediyay munaasabad dadweyne ayaa sheegay in Somaliland ay dooneyso wada noolaansho nabadeed iyo xiriir dhisaya xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isaga oo difaacay waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga iyo jiritaanka siyaasadeed ee Somaliland.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo ka digay tallaabooyin siyaasadeed ama xiisado horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara xiriirka dalalka deriska ah.
Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay gobolka ka socdaan dooddo siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo la xiriira arrimaha Soomaaliya, saameynta gobolka iyo dadaallada Somaliland ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah.
